Barcelona Oo Shaacisay Qorshe Halis Ah Oo Ay Liverpool Kaga Soo Qaadanayaan Luis Diaz

Sida laga soo xigtay warbixin ay daabacday Marca, Barcelona kama niyad jabin xiisihii ay u heysay Luis Diaz inkastoo Liverpool ay soo diiday dalabkoodii ugu horreeyay ee ay ka gudbiyeen.

Reds ayaa si cad ugu sheegtay kooxda reer Catalonia in garabka reer Colombia uusan iib ahayn, iyagoo diiday dalabkii hore ee Barca.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona waxay weli rajeyneysaa in rabitaanka Diaz ee ah inuu beddelo jawiga ciyaareed uu u shaqeyn doono — gaar ahaan maadaama uusan xiiso u qabin inuu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa oo ku dhacaya labo sano gudahood.

Waxaa kaloo lasoo werinayaa in kooxda Sacuudiga ah ee Al Nassr ay halis weyn ku tahay heshiiska, maadaama ay diyaar u yihiin inay bixiyaan dalab dhaqaale oo ka wanaagsan midka Barca, kan Liverpool iyo ciyaaryahanka.

Xilli ciyaareedkii hore, Luis Diaz wuxuu u saftay Liverpool 50 kulan dhammaan tartamada, isagoo dhaliyay 17 gool isla markaana caawiyay 8 gool.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football