Maamulka sare ee Barcelona ayaa dhawaan ka wada hadlay qorshaha suuqa kala iibsiga, iyagoo caddeeyay in saxiixa garab bidix ah uu yahay mudnaanta koowaad xagaagan. Sida laga soo xigtay SPORT, madaxweynaha kooxda Joan Laporta iyo ku-xigeenka isboortiga Rafa Yuste ayaa xiiseynaya goolhayaha Espanyol ee Joan Garcia, balse agaasimaha ciyaaraha Deco iyo tababaraha cusub Hansi Flick waxay isla meel dhigeen in la xoojiyo weerarka.
Deco, oo aan ka qeyb galin shirkii maamulka maadaama uu diiradda saarayo xoojinta kooxda hadda jirta, wuxuu caddeeyay in yoolka ugu weyn yahay in la horumariyo kooxda iyadoo aan la dhimayn tayada. Hase yeeshee, xeerarka adag ee dhaqaale ee La Liga iyo xadka mushaarka ayaa si weyn u xaddiday awoodda kooxda.
Iyadoo mushaharka ciyaartoyda muhiimka ah sida Pedri, Gavi, Araujo, Raphinha, iyo Lamine Yamal uu sare u kacay, ma jirto meel furan oo lagu diiwaangeliyo ciyaartoy cusub. Flick iyo Deco waxay doorbidayaan garab weerar sida Luis Diaz ama Marcus Rashford halkii ay goolhaye cusub keeni lahaayeen, maadaama Ter Stegen lagu kalsoon yahay.