Kooxda Barcelona ayaa si weyn uga niyad jabsan go’aankii Nico Williams uu ku diiday inuu ugu biiro kooxda, isagoo sii joogi doona Athletic Bilbao illaa 2035.
Sida uu sheegay suxufiga Santi Ovalle, madaxda sare ee Barcelona ayaa eedda dusha ka saaray wakiilka ciyaaryahanka, Felix Tainta, iyagoo ku eedeeyay inuu burburiyay “heshiis horey loo dhammeystiray.”
Blaugrana waxay aaminsan yihiin in Nico uu horey u ogolaaday inuu ku biiro Barcelona, balse wakiilkiisa ayaa la rumeysan yahay inuu keenay dalab cusub oo qariib ah, kaasoo sabab u noqday in la buriyo heshiiska.
Tainta ayaa si lama filaan ah ugu sheegay Barcelona inay heshiiska ku daraan qodob u ogolaanaya Nico inuu si xor ah uga tago mustaqbalka – dalab ay kooxda si cad u diiday.
Warar hoose ayaa sheegaya: “Waxaan aaminsannahay in wakiilka uu burburiyay heshiiskii dhameystirnaa, sababtoo ah wuxuu difaacayaa danaha Athletic Club, maadaama uu wakiil u yahay ciyaartoy badan oo kooxdaas ah, taasoo ka dhigan in uu lumin karo fursado ganacsi.”
Barcelona ayaa hadda si cad u muujisay in Tainta uu yahay sababta keentay fashilka heshiiska.