Barcelona Oo Shaacisay Cidda Bedeleysa Lewandowski

Wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in Barcelona ay go’aansatay in xiddiga reer Argentina, Julian Alvarez, uu noqdo dookhooda koowaad si uu u beddelo weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski.

Lewandowski ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka soo socda, waxaana la filayaa inuu ciyaaro xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee kooxda.

Sida ay qortay wargeyska Catalan-ka ah ee Sport, Barcelona ayaa Julian Alvarez u aragta beddelka ku habboon ee Lewandowski, iyagoo doonaya inay la saxiixdaan xagaaga 2026.

Si kastaba ha ahaatee, saxiixa Alvarez ma fududaan doono, maadaama uu qandaraas kula jiro Atletico Madrid ilaa xagaaga 2030, waxaana kooxda reer Madrid lagu warramayaa in aysan ka tanaasuli doonin xiddigooda, maadaama lacag weyn lagu burburin karo heshiiskiisa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football