Barcelona ayaa billowday inay ka tanaasusho xiisihii ay u hayeen xiddiga Liverpool, Luis Diaz, kadib markii ay ogaadeen qiimaha sare ee lagu doonayo, sida ay sheegayaan ilo kala duwan.
Luis Diaz, oo 28 jir ah, ayaa lagu qiyaasayaa inuu ku kacayo qiyaastii €85 milyan haddii uu ka tago Liverpool xagaagan. Inkasta oo la sheegayo in Diaz uu xiiseeyo u ciyaarista Barcelona, haddana lacagta lagu doonayo ayaa aad uga badan awoodda dhaqaale ee kooxda reer Catalonia, oo weli la daalaa dhaceysa dhibaatooyin xagga dhaqaalaha ah.
Warbaahinta Diario Sport ayaa sheegaysa in Barca ay durba u dhaqaaqday xulashadooda labaad – Marcus Rashford oo ka tirsan Manchester United.
Xiddiga reer England ayaa lagu heli karaa qiyaastii kala bar qiimaha Diaz, inkastoo mushaarkiisa uu sarreeyo. Si ka duwan Diaz, Barcelona waxay fursad u heli kartaa inay Rashford ku qaataan amaah ay ku darsan karto ikhtiyaar iibsasho.
Tababaraha cusub Hansi Flick iyo agaasimaha ciyaaraha Deco ayaa si weyn u jecel Luis Diaz sababo la xiriira dadaalkiisa iyo dhameystirka fursadaha, balse sidoo kale uma arkaan Rashford inuu yahay doorasho liidata.