Barcelona Oo Qorshe Waalli Ah U Dejisay Mustaqbalka Lamine Yamal

Kooxda Barcelona ayaa diyaarineysa inay Lamine Yamal u soo bandhigto qandaraas cusub oo la mid ah kii Lionel Messi, iyagoo doonaya inay hubiyaan mustaqbalkiisa ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub, sida uu qoray wargeyska SPORT.

Kooxda ayaa doonaysa inay heshiiska si degdeg ah u dhamaystirto, si da’yarka kasoo baxay La Masia uu uga mid noqdo ciyaartoyda ugu mushaarka badan kooxda uu hoggaamiyo Hansi Flick.

Ka dib markii la xaqiijiyay sii joogista tababare Flick iyo laacibka Raphinha, Barcelona ayaa hadda diiradda saareysa ciyaartoyda muhiimka ah sida Frenkie de Jong, Eric Garcia, iyo si gaar ah Lamine Yamal. Wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa dhawaan booqday Barcelona isagoo xaqiijiyay in heshiiska cusub meel wanaagsan marayo, taasoo muujineysa sida ay kooxda uga go’an tahay mustaqbalka 17-jirkan.

Madaxweyne Joan Laporta ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in qaabka qandaraaska cusub uu noqon doono mid la mid ah kii Messi: “Messi gunnooyinkiisa waxaan u bedelnay mushaar joogto ah,” ayuu yiri Laporta, isagoo xusay in mushaarka Yamal uu kor u kici doono marka uu gaaro guulo ciyaareed.

Qaab dhismeedka qandaraaskan ayaa oggolaanaya in gunnooyinka la xiriira koobab, abaalmarino shaqsiyeed, iyo heerar ciyaareed la gaarsiiyo mushaar joogto ah marka la hubiyo, taasoo xaqiijineysa in laacibku dareemo qiimeyn dhab ah isla markaana uu haysto dhiirrigelin buuxda.

Agaasimaha ciyaaraha ee Deco ayaa sidoo kale taageeray aragtida Laporta isagoo sheegay: “Muhiim ma aha in ciyaaryahan noqdo kan ugu mushaarka badan, laakiin waa in uu noqdaa mid muhiim ah,” isagoo muujinaya sida ay muhiim u tahay nidaamka mushaar ee ku saleysan waxqabadka.

Qaabkan ayaa faa’iido u leh labada dhinac: haddii Yamal si fiican u ciyaaro, wuxuu helayaa mushaar sare, halka Barcelona ay faa’iido ka hesho guulaha isboorti iyo xayeysiiska. Qaabkani wuxuu raacayaa jidkii Messi oo kooxda uga faa’iiday dhaqaale ka badan inta lagu bixiyay.

Barcelona waxay rajeyneysaa inay Yamal ka dhigto mid kamid ah tiirarka mustaqbalka kooxda, iyagoo adeegsanaya nidaamkii guuleystay ee Messi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football