Barcelona Oo Nico Williams Dartii U Ceyrineysa Xiddig Muhiim Ah

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona, Fermin Lopez, ayaa xiiso xooggan ka helaya kooxo dhowr ah oo Yurub ah, kuwaas oo ay ku jirto Bayern Munich, xilli kooxda reer Catalonia ay wali la tacaaleyso xayiraadaha dhaqaale ee ka hor taagan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Warbixin uu qoray ESPN ayaa sheegaysa in Bayern Munich ay ka mid tahay kooxaha waaweyn ee Yurub ee durba xiiseynaya xaaladda 22-jirka, iyadoo sidoo kale kooxo ka socda Sucuudiga ay muujinayaan xiisahooda. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ee Barcelona iyo ciyaaryahanka ayaa rumeysan in Lopez uu sii joogi doono kooxda.

Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, ayaa si cad u sheegay in kooxda ay “si caadi ah” uga shaqeyn karto suuqa kala iibsiga xagaagan. Laakiin madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa ka digay in kooxda wali ay la kulmeyso xaddidaadyo la xiriira diiwaangelinta ciyaartoyda cusub.

Barcelona ayaa si gaar ah u beegsaneysa Nico Williams, waxaana la rumeysan yahay in si loo helo saxiixiisa, ay khasab noqon karto in ciyaartoy muhiim ah la iibiyo. Lopez, oo xilli ciyaareed cajiib ah soo qaatay islamarkaana uu taageere ka helayo Hansi Flick, ayaa loo arkaa mid ka mid ah hantida ugu qiimaha badan ee kooxda haatan heysato.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football