Barcelona Oo Kusoo Laabatay Xiisihii Luis Diaz Iyadoo Soo Af-jartay Wadahadalladii Ay Kula Jirtay Nico Williams

Barcelona ayaa si rasmi ah uga laabatay qorshihii ay ku dooneysey saxiixa garabka Athletic Bilbao, Nico Williams, xagaagan, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Williams, oo ahaa bartilmaameed muhiim ah sanadkii hore, ayaa go’aansaday inuu iska diido fursad uu ugu wareegi lahaa Barça sababo la xiriira dhibaatooyinka isdiiwaangelinta ciyaartoyda, arrin keentay inuu xumaado xiriirka u dhaxeeya isaga iyo kooxda.

Hadda, Barcelona waxay xoogga saartay laba ciyaaryahan: garabka Liverpool ee Luis Díaz iyo goolhayaha Espanyol, Joan Garcia. Díaz ayaa noqday mudnaanta koowaad, maadaama qandaraaskiisu ku dhacayo laba sano gudahood, isla markaana uusan weli muujin rabitaan uu ku doonayo inuu saxiixo qandaraas cusub.

Baahida Liverpool u qabto dhaqaale si ay u dhamaystiraan saxiixa Florian Wirtz ayaa Barça siisey fursad ay kula wareegto Díaz.

Fariin macsalaamo ah oo uu dhawaan u diray taageerayaasha Liverpool ayaa sii xoojisay wararka la xiriira bixitaankiisa, waxaana Barcelona ay diyaar u tahay inay ka faa’iideysato xaaladdaas.

Iyadoo Nico Williams laga saaray liiska, Luis Díaz ayaa hadda ah bartilmaameedka koowaad ee Deco iyo Joan Laporta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football