Barcelona Oo Kusoo Biirtay Tartanka Culus Ee Loogu Jiro Konate

Kooxda Barcelona ayaa muujisay xiisaha ay u qabto daafaca dhexe ee Liverpool, Ibrahima Konaté.waxey doonayaan iney si bilaash ah ugu helaan xiddiga xagaaga 2026, sida uu qoray Santi Aouna.

Konaté, oo 26 jir ah, ayaa weli heshiis cusub la gaarin Liverpool, taasoo ka dhigan in marka uu qandaraaskiisu dhamaado uu xor u noqon doono inuu ku biiro koox kale. Tani waxay si gaar ah u soo jiidatay kooxo waa weyn sida PSG iyo Real Madrid, kuwaasoo isha ku haya daafaca xoogan oo farsamo ahaan aad u sarreeya.

Soo afjaridda heshiiskiisa ayaa sidoo kale fursad u noqon doonta Konaté inuu helo lacag saxiix oo weyn, maadaama uusan u baahneyn in lacag lagu iibsado.

Haddii Liverpool aysan heshiis cusub ka gaarin xaaladiisa, waxay halis ugu jiraan inay u lumiyaan mid ka mid ah daafacyadooda ugu awoodda badan – si xor ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football