Kooxda Barcelona ayaa si cad u sheegtay inaysan diyaar u ahayn inay si buuxda u iibsato xiddiga Manchester United ee Marcus Rashford xagaagan, sida laga soo xigtay wargeyska Mirror. Inkastoo Rashford uu xiisaynayo inuu u guuro Nou Camp, haddana Barça waxay doorbidaysaa kaliya amaah.
Hansi Flick oo ah macalinka cusub ayaa la sheegayaa inuu xiisaynayo Rashford, balse dhibaatooyinka dhaqaale ayaa caqabad ku ah. United waxay rabtaa kooxda amaahda ku qaadanaysa inay bixiso dhammaan mushaarkiisa toddobaadlaha ah oo gaaraya £325,000 iyo lacag amaah oo u dhaxaysa £5m ilaa £10m.
Rashford ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah ugu ciyaaray Aston Villa, isagoo dhaliyay 4 halka uula yimid 5 caawin, balse Villa ma doonayso inay heshiiska joogteyso kaddib markii ay seegtay Champions League.