Barcelona ayaa ku guda jirta qorshe ballaaran oo lagu dhimayo kharashaadka kooxda, iyadoo ilaa siddeed ciyaaryahan la filayo inay ka tagaan kooxda ka hor 30-ka Juun, sida laga soo xigtay wargeyska SPORTS.
Kooxda ayaa diiradda saartay in laga takhaluso ciyaartoyda aan qeybta ka ahayn qorshaha kooxda koowaad, si loo dhimo mushahaarka guud ee kooxda.
Agaasimaha isboortiga ee Barca, Deco, ayaa hogaaminaya dadaallada, waxaana horumar laga gaaray kiisyo badan.
Ansu Fati ayaa aad ugu dhow inuu amaah ugu biiro AS Monaco, heshiis uu ku jiro ikhtiyaar iibsasho oo €12 milyan ah iyo qodob u oggolaanaya Barca inay dib u soo ceshato.
Clement Lenglet ayaa laga yaabaa in heshiiskiisa la kansalo haddii uu oggolaado inuu ka tanaasulo labada sano ee uga harsan si uu ugu biiro Atletico Madrid.
Pau Victor iyo Pablo Torre ayaa sidoo kale la iibin doonaa, iyadoo Barca ay dooneyso inay ku darto qodobo u oggolaanaya inay dib u iibsato. Victor ayaa lagu qiimeeyay qiyaastii €5 milyan, halka Torre lagu qiyaasay mid ka hooseeya qiimahaas.
Kooxdu waxay sidoo kale ka shaqeynaysaa in la joojiyo heshiisyada Oriol Romeu iyo Inaki Peña. Romeu ayaa la filayaa inuu ku laabto Girona, halka Peña uu si buuxda u bixi doono kaddib imaanshaha goolhayaha Joan Garcia. Celta Vigo iyo Valencia ayaa xiiseynaya Peña, balse midkoodna ma awoodo inuu bixiyo mushaarkiisa haatan.
Barcelona ayaa sidoo kale qiimeyneysa inay iibiso ciyaartoyda ka tirsan Barça Atletic sida Noah Darvich, Mamadou Mbacke, iyo Alan Godoy, iyadoo la hubinayo in heshiisyada la gelinayo ay ku jiraan qodobo dib-u-soo-iibsasho. Darvich ayaa dalabyo qiyaastii €4 milyan ah ka helaya Stuttgart iyo Bayer Leverkusen.
Qorshahan ayaa la rajeynayaa in lagu helo qiyaastii €30 milyan oo dhaqaale ah iyo kaydin ku dhow €20 milyan oo mushahaar ah. Dhaqaalaha waxaa qayb ka noqon doona bixitaanka Alex Valle iyo lacagaha kasoo xerooda heshiiska Jean-Clair Todibo ee West Ham United.