Nico Williams ayaa heshiis shakhsiyeed la gaaray Barcelona, heshiis socon doona ilaa Juun 2031, sida uu xaqiijiyay weriyaha caanka ah Fabrizio Romano.
Heshiiska cusub ayaa u ogolaanaya garabka weerarka inuu helo mushaar u dhaxeeya €7 ilaa €8 milyan oo saafi ah xilli ciyaareedkii. Hadda, Barcelona waxay diiradda saartay sidii ay heshiis dhaqaale ula gaari lahaayeen kooxda Athletic Club.
Weli ma jiro hadal rasmi ah oo ka soo baxay Nico, Barcelona ama Athletic Club, iyadoo wadahadallada u dhaxeeya labada koox ay socdaan si loo dhameystiro dhinaca dhaqaalaha ee heshiiska.
Barcelona ayaa si xooggan uga shaqeyneysa sidii ay u dedejin lahayd dhammeystirka heshiiska.