Barcelona ayaa go’aansatay inay iibiso Ter Stegen haddii Joan Garcia uu kusoo biiro kooxda, sida ay ku warramayso RAC1 oo fadhigeedu yahay magaalada Barcelona.
Mas’uuliyiinta Barca ayaa yeeshay kulan ay ku gaareen go’aankan. Ter Stegen oo 33 jir ah weli waa goolhaye da’ ahaan u wanaagsan, balse waxaa laga walaacsan yahay in qaab ciyaareedkiisu uusan fiicnayn dhowaanahan, iyadoo Barcelona ay ku dhibtooneysay inay guulo waaweyn gaarto markuu isaga goolka joogo.
Dhinaca kale, Joan Garcia ayaa lagu tilmaamay inuu yahay goolhayaha mustaqbalka, kadib bandhigyo cajiib ah oo uu ka sameeyay Espanyol xilli ciyaareedkan. Wax qabadkiisa ayaa soo jiitay kooxo waa weyn sida Arsenal iyo Newcastle.
Barcelona ayaa kalsooni ku qabta in Garcia ugu dambeyn ogolaan doono inuu kusoo biiro. Haddii ay taasi dhacdo, waxaa la filan karaa in goolhayahan da’da yar uu noqdo doorashada koowaad ee Hansi Flick xilli ciyaareedka dambe, isagoo ka hormari doona Szczesny.