Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona, Deco, ayaa wareysi uu siiyay La Vanguardia ku iftiimiyay mustaqbalka saddex ciyaaryahan oo muhiim u ah kooxda: Ronald Araujo, Frenkie de Jong, iyo Ansu Fati.
▪️ Araujo
Deco wuxuu si cad u sheegay in Ronald Araujo aanu ka mid ahayn ciyaartoyda la iibinayo xagaagan:
“Hal daafac ayaan ka tagi doonaa, laakiin Ronald wuxuu ku jiraa qorshaheenna. Wuxuu la kulmay dhaleeceyn aan caddaalad ahayn sanadkii hore. Wuxuu ka mid noqday daafacyada ugu wanaagsan adduunka,” ayuu yiri Deco.
▪️ Frenkie de Jong
Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in kooxda ay rabto in Frenkie de Jong uu sii joogo:
“Kani waa nooca de Jong ee aan rabno. Waxaan dooneynaa inuu nala sii joogo. Wuxuu qandaraas kula jiraa kooxda hal sano oo kale, waxaana si degan u falanqeyn doonaa xaaladda,” ayuu yiri.
▪️ Ansu Fati
Marka la eego Ansu Fati, Deco wuxuu qirtay in amaah (loan) ay tahay mid suuragal ah si uu helo fursad uu ugu ciyaaro si joogto ah:
“Iyada oo da’diisa iyo waaya-aragnimadiisa la eegayo, Ansu Fati halkan kuma sii nagaan karo isagoo aan ciyaarayn. Haddii uu baxayo, amaah ayuu ku bixi doonaa. Waa 23 jir, laakiin dadku waxay uga hadlaan sidii qof 30 jir ah. Weli wuxuu heystaa wakhti badan oo uu kor ugu kaco.”
Hadalkan ayaa meesha ka saaraya wararka sheegayay in Barcelona ay iibin doonto Araujo iyo de Jong, halka mustaqbalka Fati uu weli yahay mid aan la hubin laakiin aan gabi ahaanba laga quusan.