Manchester United ayaa Marcus Rashford dul dhigtay qiimo dhan €48 milyan, sida laga soo xigtay wargeyska Diario Sport.
Warbixintu waxay sheegtay in Barcelona ay u aragto qiimahaas mid aad qaali u ah, gaar ahaan marka mushaharkiisa sare la tixgeliyo.
Barcelona waxay xiiseynaysaa Rashford waxayna qorsheyneysaa inay isku daydo amaah suuqan xagaaga, balse taasna way adkaan doontaa maadaama Man United ay doorbideyso iib toos ah.
Rashford kama aamusi doono kooxaha daneynaya marka suuqa kala iibsigu furmo. Tani waxay la mid noqon kartaa sidii bishii Janaayo, markaas oo uu amaah ugu biiray Aston Villa, waxaana suurtagal ah in kooxo badan oo Ingiriis ah ay isku dayaan inay la saxiixdaan inta uu furanyahay suuqa kala iibsiga.