Barcelona Oo Go’aan Kasoo Saartay Dalabka Monaco Ee Ansu Fati

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u diiday dalab ay ka heshay kooxda reer France ee AS Monaco oo doonaysay Ansu Fati intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida uu sheegay wargeyska Marca, Monaco ayaa codsatay in ay Fati ku qaadato amaah hal xilli ciyaareed ah, iyaga oo aan diyaar u ahayn in ay u bixiyaan mushaarkiisa. Barcelona ayaase si cad uga hor timid dalabkaas, maadaama aysan doonayn in ay sii bixiso mushaarka ciyaartoyda ay amaahda ku dirto.

Kooxda reer Catalonia ayaa sidoo kale dooneysa in heshiiska amaahda lagu daro qodob u ogolaanaya in Fati si rasmi ah loo iibsan karo, balse Monaco ayaa ka biyo diiday arrintaas, iyagoo diiday in lagu daro ikhtiyaarka iibka tooska ah.

Barcelona ayaa hadda sugaysa in Monaco ay soo gudbiso dalab labaad oo la hagaajiyay, kaddib markii ay fashilmeen wadahadaladii hore. Dhanka kale, Ansu Fati ayaa xiisaynaya inuu kooxda ka tago xagaagan si uu u helo waqti ciyaareed badan.

Fati ayaa xilli ciyaareedkii hore u ciyaaray Barcelona 11 kulan, isagoo aan wax gool ah dhalin ama caawin sameynin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football