Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u go’aamisay mustaqbalka daafaceeda Ronald Araújo, iyadoo ay jireen warar dhowaanahan sheegaya in uu kooxda ka tegi doono xagaagan.
Araújo ayaa dhawaan cusbooneysiiyay heshiiskiisa Barcelona, waxaana uu kooxda kula sii jiri doonaa heshiiska ilaa xagaaga 2031.
Wargeyska Catalan-ka ah ee Mundo Deportivo ayaa sheegay in maamulka Barcelona aysan wax qorshe ah u lahayn inay fasaxaan daafaca reer Uruguay xilli-ciyaareedkan.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Barcelona ay u aragto Araújo inuu yahay ciyaaryahanka difaac ee ugu fiican kooxda, isla markaana aysan suurtagal aheyn in la iibiyo.
Xiddigan ayaa si weyn loola xiriirinayay Juventus bishii Janaayo ee la soo dhaafay, balse kooxda ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay inay heshiis cusub ka saxiixdo.