Barcelona ayaa doonaysa inay amaah ku soo qaadato weeraryahanka Manchester United, Marcus Rashford, sida ay soo sheegayaan wariyeyaasha Alex Crook iyo Ben Jacobs ee gudaha England.
Kooxda Catalan-ka ayaa xiisaynaysa Rashford sababo la xiriira kartidiisa uu ugu ciyaari karo dhammaan saddexda boos ee weerarka, gaar ahaan doorka weeraryahanka dhexe.
Soo laabashada Rashford ma saamayn doonto qorshaha Barcelona ee ah inay lasoo saxiixdaan Nico Williams. Weeraryahanka reer England ayaa loo arkaa inuu noqon karo xulasho kale oo muhiim ah oo uu Hansi Flick ku kordhiyo safkiisa weerarka.
Rashford, oo 27 jir ah, ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu hoos u dhigo mushaharkiisa €350,000 ee uu toddobaadkii qaato si uu ugu biiro Barcelona.
Xiddigan ayaa horey u sheegay inuu aad u jeclaan lahaa inuu la ciyaaro ciyaartoyda ay ka mid yihiin Lamine Yamal.