Barcelona Oo Fursad Dahabi ah Siinaysa Kooxaha Doonaya Ronald Araújo

Warbixinno ayaa daaha ka qaaday in FC Barcelona ay diyaar u tahay inay fasaxdo daafaceeda reer Uruguay Ronald Araújo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, si ay dhaqaale dheeraad ah u helaan kahor xilli-ciyaareedka 2025/2026.

Sida uu qoray wargeyska Isbaanishka ah “Marca”, qodobbka lagu burburin karo qandaraaska Araújo ayaa la filayaa inuu hoos uga dhaco hal bilyan oo euro una dhaco kaliya 70 milyan oo euro inta u dhaxaysa 1-da ilaa 10-ka Luulyo. Marka ay muddadaasi dhammaato, qiimaha burburinta qandaraaska ayaa dib ugu noqon doona hal bilyan oo euro.

Kooxda Talyaaniga ah ee Juventus ayaa kamid ah kooxaha aadka u xiiseynaya saxiixa Araújo, maadaama ay hadda helayaan fursad gaar ah oo ah in lagu heli karo qiimo jaban muddo kooban gudaheeda.

Waxaa xusid mudan in Araújo, oo 26 sano jir ah, uu heysto qandaraas dheer oo uu kula sii joogayo Barcelona ilaa Juun 2031, wuxuuna u saftay kooxda 175 kulan dhammaan tartamada, isagoo dhaliyay 10 gool islamarkaana caawiyay 7 gool kale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football