Barcelona ayaa si cad u diiday dalab gaaraya €75 milyan oo ay Chelsea ka soo gudbisay Fermin Lopez, sida ay ku warameen El Chiringuito TV iyo Catalunya Radio. Dalabkaas ayaa la sheegay inuu sidoo kale ku jiray is-dhaafsi ciyaartoy, balse Barca ma doonayso inay iibiso xiddiga khadka dhexe.
Waxaa la soo sheegay in Barcelona ay la yaabtay dalabka Chelsea, iyadoo aysan filaynin in koox Premier League ah si degdeg ah u beegsato Fermin. Si kastaba, warbixinta ayaa sheegtay in kooxda aysan wax qorshe ah u lahayn iibinta Fermin.
Fermin Lopez ayaa dhawaan heshiis cusub oo gaaraya ilaa 2029 u saxiixay kooxda, waxaana lagu daray qodob fasaxeed aad u sareeya si loo ilaaliyo mustaqbalkiisa.
Macallinka cusub ee kooxda Hansi Flick ayaa lagu warramayaa inuu Fermin u arko ciyaaryahan aan la taaban karin, isagoo aaminsan inuu leeyahay karti weyn isla markaana uu doonayo inuu qeyb muhiim ah ka noqdo mustaqbalka kooxda.