Barcelona Oo Camp Nou ku Xasuuqday Kooxda Cultural Leonesa, Denis Suarez Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Blaugrana Oo Wareega 16ka Copa Del Rey U Soo Baxday.

Barcelona ayaa Camp Nou ku xasuuqday kooxda yar ee Cultural Leonesa oo ay wada ciyaareen kulankii lugta labaad ee wareega 32 ka kooxood ee Copa Del Rey. Barcelona ayaa u soo baxday wareega 16ka kooxood ee Copa Del Rey oo ay markale ku taagan tahay dariiqii ay ku sii difaacan lahayd.

Barcelona ayaa 4-1 ku gumaaday kooxda Cultural Leonesa  oo ay hore kulankii lugtii hore 1-0 ugu soo garaacday taas oo keentay in wadarta labada kulan ku garaacday 5-1. Inkasta oo uu Valverde shaxdiisa isbadalo ku sameeyay isla markaana uu kulankan ku soo bilaabay da’yarka Rigui Puig iyo Guillem Jaime, ayay haddana Blaugrana guul raaxo leh gaadhay.

SHIXIHII RASMIGA AHAA EE LABADA KOOXOOD:

Cultural Leonesa XI (4-1-4-1): Jorge Palatsi; Jose Alonso, Vicente Romero, Albizua, Victor Diaz; Yeray Gonzalez; Hugo Rodriguez, Adrian Mance, Jesus Bernal, Josep Sene; Jorge Ortiz.

Kaydka: Aridane, Antonio Martinez, Ivan Gonzalez, Zelu, Eneko Capilla, Dionicio Escalante, Samuel Diarra.

Barcelona XI (4-3-3): Jasper Cillessen; Nelson Semedo, Chumi Brandariz, Thomas Vermaelen, Juan Miranda; Ivan Rakitic, Oriol Busquets, Carles Alena; Malcom, Munir, Denis Suarez.

Kaydka: Clement Lenglet, Marc-Andre ter Stegen, Sergio Busquets, Philippe Coutinho, Ousmane Dembele, Riqui Puig, Guillem Jaime.

Barcelona ayaa goolka furitaanka heshay daqiiqadii 18 aad kadib markii uu Munir gool caawin ka helay Ivan Rakatic wuxuuna goolkani ahaa mid dhibaato wayn ku noqday kooxda martida ahayd ee Cultural Leonesa oo ay Barca hore gool kale ugu lahayd kulankii lugtii hore.

Laakiin Barcelona ayaa ciyaarta si buuxda natiijadeeda u go’aamisay daqiqiadii 26 aad iyada oo Ivan Rakatic uu gool caawintiisii labaad u sameeyay Denis Suarez kas oo si fiican kulankan iskugu muujiyay si uu Valverde waqti uu ku ciyaro uga helo.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-0 ay Barcelona hogaanka ku dheerysatay laakiin intii ayna dhamaan qaybtii hore ee ciyaartu ayay Barca la timid goolka saddexaad ee ay ku sii niyadjabisay kooxda martida u ahayd ee Cultural Leonesa waxaana markan shabaqa soo taabtay Maclom oo markiisa istusayay Valverde.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 ay Barca guul ugu taagnayd iyada oo Rakatic uu caawintiisii saddexaad sameeyay laakiin qaybtii labaad markii la soo laabtay Cultural ayaa gool iska soo celisay iyada oo Josep Señé uu daqiiqadii 54 aad shabaqa soo taabtay.

Balse waqti dheer kadib qaybtii labaad waxay Barcelona heshay goolkeeda afraad iyada oo Denis Suarez uu goolkiisa labaad ee kulankan ku dhaliyay gool caawintii uu ka helay da’yarka cajiibka ah ee Riqui Puig waxayna ciyaartu ku dhamaatay 4-1 ay Barca ku xasuuqday Cultural.

Barcelona ayaa sidaa ugu soo baxday wareega 16ka kooxood ee koobka ay rekoodhka layaabka leh ku haysato ee Copa Del Rey iyada oo Valverde iyo jamaahiirta kooxdiisa Camp Nou ay si wayn ciyaarta ugu raaxaysteen, si kastaba ha ahaatee, Malcom ayuu dhaawac soo gaadhay wuxuuna garoonka ka baxay isaga oo ooyay taas oo xaalada dhaawacyada Barca sii kordhinaysa.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.