Barcelona Oo Camp Nou Ka Eryeysa Xiddig Caan Ah – Waa Maxay Sababta?

Barcelona ayaa Andreas Christensen u sheegtay inuu xor u yahay inuu ka tago kooxda xagaagan, iyadoo aysan jirin qorshe lagu kordhinayo heshiiskiisa, sida laga soo xigtay wargeyska AS.

Inkasta oo tababaraha cusub ee Barca, Hansi Flick, uu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu Christensen sii haysto xilli ciyaareedka dambe. Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda, Deco, ayaa go’aansaday in aysan muhiim u ahayn in daafaca reer Denmark uu kooxda kusii nagaado.

Deco ayaa la fahamsan yahay inuu doorbidayo inuu ku tiirsanaado Ronald Araujo oo noqon doona tiir-dhexaadka daafaca dhexe ee kooxda halkii uu ku xisaabtami lahaa Christensen.

Christensen ayaa xilli ciyaareedkii 2024/25 kaliya shan kulan u saftay Barcelona horyaalka La Liga, inkasta oo uu muujiyay qaab ciyaareed wanaagsan dhamaadkii xilli ciyaareedka.

Kooxdu waxay diyaar u tahay inay dhageysato dalab kasta oo macquul ah oo kaga imaada Christensen inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football