Barcelona Oo 7 Xiddig U Ceyrineysa Sababtan Aawgeed

Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay diyaarinayso in ay iska dirto toddobo ciyaaryahan oo kooxda ka tirsan si ay iskaga ilaaliso jebinta xeerarka dhaqaale ee La Liga una diiwaan geliso Joan Garcia iyo Nico Williams, sida uu qoray Mundo Deportivo.

Joan Garcia ayaa horey uga yimid Espanyol halka Nico Williams la sugayo in la dhameeyo heshiiskiisa, iyadoo Barcelona ay oggolaatay in ay bixiso lacagta lagu burburin karo heshiis kiisa oo ah €58 milyan.

Ciyaartoyda la qorsheynayo in la iibiyo ama amaah lagu fasaxo:

1. Ansu Fati

2. Pau Victor

3. Pablo Torre

4. Iñaki Peña

5. Andreas Christensen

6. Oriol Romeu

7. Marc-André ter Stegen

Kooxda ayaa aaminsan in laacibiintan ay abuuri karaan fursad weyn oo xal u noqon karta dhibaatada dhaqaale ee kooxda.

Halista laga baqayo:

Ronald Araújo: Qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa wuxuu si kooban u noqon doonaa €60 milyan bisha July, taas oo keeni karta in lala wareego haddii uu isagu aqbalo inuu baxo.

Barcelona waxay dooneysaa inay dhaqaale ahaan si habsami leh ula jaanqaado xeerarka La Liga, iyada oo aan lumin xiddigaha ugu magaca weyn kooxda.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football