Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah inay ku dhawaaqdo saxiixa goolhayaha Espanyol, Joan Garcia, taasoo si toos ah u saameyn karta mustaqbalka Marc-André ter Stegen, kaas oo hadda wajahaya laba doorasho: inuu sii joogo isagoo keydka ku jira ama uu raadsado koox cusub.
Sida uu qoray wargeyska Sport, wakiilka ter Stegen ayaa la xiriiray agaasimaha ciyaaraha Deco, kahor ciyaartii semi-finalka Champions League ee lugta labaad oo ay la ciyaareen Inter Milan. Waxa uu u sheegay in goolhayuhu si buuxda u caafimaaday islamarkaana diyaar u yahay inuu garoomada ku soo laabto.
Si kastaba, tababaraha cusub ee Barca, Hansi Flick, iyo shaqaalihiisa farsamada ayaa go’aansaday in ay goolka kusii hayaan Wojciech Szczesny oo u muuqday mid heysta kalsooni buuxda, iyagoo ka walwalsanaa in ter Stegen aanu weli helin feejignaan ciyaareed oo ku filan.
Ter Stegen ayaa si weyn uga carooday go’aankaas wuxuuna diiday inuu la safro kooxda kulankii Milan. Halkii uu raaci lahaa, waxa uu go’aansaday inuu si gooni ah ugu sii tababarto magaalada Barcelona.
Tani waxay keentay khilaaf culus oo u dhexeeya ter Stegen iyo kooxda, iyadoo ay suurtagal tahay in goolhayaha reer Jarmal uu hadda bilaabo raadinta koox cusub.