Nico Williams ayaa ogolaaday inuu hoos u dhigo mushaharkiisa sanadka ugu horreeya si uu u dhammeystiro heshiiska Barcelona ka hor 9-ka Luulyo.
Barcelona iyo Nico Williams ayaa si weyn ugu dhow dhammeystirka heshiiska, iyadoo kooxda ay diyaarineyso in ay dhaqaajiso qodobka lagu burburin karo qandaraaska laacibka ka hor 9 July. Labada dhinacba waxay muujiyeen go’aan cad, waxaana harsan oo kaliya dhammaystirka tallaabooyinka rasmiga ah.
Sida laga soo xigtay warbixinno maxalli ah, Nico wuxuu ogolaaday qorshe mushahar oo hoos ka bilaabanaya, iyadoo lagu wado in loo kordhiyo si tartiib tartiib ah lixda sano ee qandaraaska. Qaab-dhismeedkan ayaa Barcelona ka caawinaya inay diiwaangeliso ciyaaryahanka iyada oo aan jebin xeerarka dhaqaale ee La Liga.
Kooxdu waxay ku kalsoon tahay inay dib ugu laaban karto nidaamka 1:1 marka la gaaro bisha July, balse waxaa wali loo baahan yahay in ciyaartoy la fasaxo si boos loogu helo xiddigaha cusub. Ciyaartoyda ay kooxda doonayso inay iibiso ama amaah ku bixiso waxaa ka mid ah Clément Lenglet iyo Ansu Fati.
Dabeecadda furan ee Nico ayaa aheyd arrin muhiim ah. Isagoo ogolaaday in qeyb kamid ah mushaarkiisa la dib dhigo, wuxuu Barcelona siiyay fursad ay isaga ku diiwaan gelin karto. Kooxda ayaa sidoo kale u xaqiijisay inuu heli doono lambarka kooxda iyo in uu ciyaari karo kulanka ugu horreeya xilli ciyaareedka cusub.