Sida ay werisay SPORT, weeraryahanka Athletic Club iyo xulka Spain, Nico Williams, ayaa si cad u muujiyay rabitaankiisa ah inuu ku biiro Barcelona, inkastoo aanu arrintaas si fagaare ah uga hadlin ama baraha bulshada ku muujin.
Warbixinta ayaa tilmaameysa in Nico uu dhowr asxaabtiis ah oo Barcelona katirsan uu si toos ah ugu yiri: “Asxaabey ka shaqeeya sidii aan halkaas u tagi lahaa” – taas oo macnaheedu yahay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro kooxda haddii albaabka loo furo.
Nico Williams ayaa xiriir dhow la yeeshay ciyaartoyda sida Lamine Yamal, Pedri iyo Pau Cubarsí, taasoo sii xoojisay xiriirka uu la leeyahay gudaha qolka labiska ee Barca. Sawir ay wada galeen isaga iyo Yamal kulamadii qaramada ayaa si weyn u muujiyay isfahankooda.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in wakiilka Nico, Felix Tainta, uu si qarsoodi ah ula kulmay agaasimaha ciyaaraha Barcelona, Deco, si ay uga wadahadlaan suurtagalnimada dib loogu furi karo heshiiskii xagaagii hore burburay.
Inkastoo uu helay dalabyo xoog leh oo ka kala yimid Arsenal iyo Bayern Munich, Nico Williams ayaa la fahamsan yahay in uu doorbidayo inuu sii joogo La Liga, isagoo si gaar ah u xiiseynaya mashruuca Barcelona.
Kooxda Catalan-ka ah ayaa sidoo kale xiiseyneysa ciyaartoy kale oo ay ka mid yihiin Luis Díaz iyo Marcus Rashford, balse Nico Williams ayaa ah mid ay si gaar ah u daneynayaan sababo la xiriira da’diisa, khibraddiisa La Liga, iyo sida uu ula jaanqaadi karo jiilka cusub ee kooxda.
Tababaraha cusub ee Barcelona, Hansi Flick, ayaa la sheegay inuu durba la hadlay Nico Williams si uu ugu sharraxo doorkiisa mustaqbalka kooxda — taasoo ciyaaryahanka siiyey kalsooni dheeri ah.
Inkasta oo uusan si cad u shaacin rabitaankiisa, haddana fariintiisu waa mid cad oo ay ciyaartoyda Barcelona fahmeen:
“Walaalayaal, Barca hala i geeyo.” Ayuu taagan yahay Niko.