Ashley Cole, oo hore uga tirsanaa daafacyada kooxda Chelsea, ayaa si toos ah u caddeeyay in ay waqti qaadan doonto in Liam Delap, oo ay Blues dhawaan la soo saxiixdeen, uu la qabsado qaab ciyaareedka kooxda Stamford Bridge.
Chelsea ayaa Delap kaga soo iibsatay Ipswich Town lacag dhan £30 milyan.
Weeraryahankan 22-jirka ah ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Chelsea todobaadkan, kulankii ay kooxdu 3-0 uga adkaatay ES Tunis ciyaartii Koobka Adduunka ee Naadiyada.
“Waxaan la shaqeynayay Liam Delap muddo ku dhow laba sano, marna si toos ah marna si dadban,” ayuu yiri Ashley Cole (oo la hadlayay Metro).
“Waa wiil wanaagsan, dadaal badan, wuxuuna leeyahay rabitaan ah inuu barto wax cusub si uu u gaaro heer sare.”
“Waxaan aaminsanahay in ay waqti qaadan doonto in Delap uu horumar sameeyo isla markaana uu la qabsado qaab ciyaareedka Chelsea.”
Delap, oo ay xiisaynayeen kooxo badan ka hor inta uusan ku biirin Chelsea xagaagan, ayaa xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay Ipswich 12 gool horyaalka Premier League.