Arsenal Oo Xooga Saareysa Saxiixa Rodrygo Xilli Xiddiga Ay Isku Dhaceen Maamulka Real

Kooxda Arsenal ayaa diiradda saartay laacibka Real Madrid ee Rodrygo kadib markii ay ku guuldareysteen inay helaan Nico Williams, kaas oo u muuqda inuu ku biirayo Barcelona xagaagan.

Sida laga soo xigtay wargeyska AS, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa aad u xiiseynaya in uu helo ciyaaryahan awood u leh inuu kala duwanaansho u keeno weerarka kooxda. Rodrygo ayaa loo arkaa inuu yahay ciyaaryahan ku habboon baahidaas, gaar ahaan iyadoo hadal laga keenay doorkiisa kooxda Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska lama filayo inuu noqdo mid fudud. Warbixintu waxay xustay in Arsenal ay la daalaa-dhacayso mushaharka sare ee ay dalbanayaan ciyaartoyda weerarka. Waxa kale oo lagu sheegay in Arsenal aysan had iyo jeer ahayn koox jecel ciyaartoy ka ciyaarta heerka sare ee Yurub.

Rodrygo ayaa haatan diiradda saaray Koobka Adduunka ee Naadiyada. Waxqabadkiisa tartankaasi ayaa go’aamin kara inuu helo kalsoonida Xabi Alonso ama uu u dhaqaaqo koox kale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football