Arsenal Oo Wadahadallo La Furtay Wakiilka Viktor Gyökeres, Iyadoo Xiisuhu Cirka Isku Shareeray

Kooxda Arsenal ayaa wadahadallo hor leh la yeelatay wakiilka weeraryahanka reer Sweden, Viktor Gyokeres, si ay uga wada hadlaan suurtogalnimada saxiixiisa xagaagan, sida ay sheegayaan warar laga helay Portugal.

Gyokeres, oo si cajiib ah u dhaliyay 54 gool 52 kulan uu u saftay Sporting Lisbon xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay hanashada horyaalka Portugal ee Primeira Liga.

Weeraryahankan ayaa sidoo kale si weyn u soo jiitay dareenka kooxo badan oo waa weyn, oo ay kamid yihiin Manchester United, Chelsea, Juventus iyo Arsenal – dhammaantood waxay muujiyeen xiisaha ay u qabaan saxiixiisa.

Sporting Lisbon ayaa la fahamsan yahay inay diyaar u tahay inay iibiso ciyaaryahanka haddii lagu bixiyo lacag ku dhow €100 milyan oo ah qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Sporting, Frederico Varandas, ayaa si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeeray wakiilka ciyaaryahanka, Hasan Cetinkaya, oo sheegay in lagu heshiiyo qiime go’an ka hor inta uusan suuqa kala iibsigu si buuxda u furmin.

Warbaahinta CNN Portugal iyo wargeyska Record ayaa Arbacadii sheegay in madaxda sare ee Arsenal ay kulan la yeesheen wakiilka Gyokeres, iyadoo la filayo in dalab rasmi ah loo gudbiyo saacadaha ama maalmaha soo socda.

Warar kaloo hoose ayaa sheegaya in Viktor Gyokeres uu si gaar ah u caddeeyay in uu doorbidayo ku biirista Arsenal, isagoo ka hormarinaya kooxaha kale ee tartanka ugu jira saxiixiisa sida Manchester United, Chelsea iyo Juventus.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football