Wararka laga helayo Sky Sports ayaa sheegaya in kooxda Arsenal ay xiiseyneyso laacibka garabka uga ciyaara Real Madrid, Rodrygo, maadaama ay raadinayaan xiddig cusub oo weerarka bidix ka ciyaara.
Gunners ayaa si gaar ah diiradda u saareysa inay la soo saxiixato weeraryahan ka ciyaara garabka bidix, waxaana Rodrygo uu ka mid yahay liiska laacibiinta ay doonayaan oo ay sidoo kale ku jiraan Nico Williams, Leroy Sane iyo Morgan Rogers.
Weeraryahanka reer Brazil ayaa la filayaa inuu la yeesho Alonso wadahadal si loo soo afjaro muranka ka jira mustaqbalkiisa kooxda, maadaama aan si buuxda loo caddeyn doorka uu kooxda ka yeelanayo.
Xilli ciyaareedkii hore, Rodrygo wuxuu ku soo bilowday 22 kulan oo La Liga ah, isagoo beddel ku soo galay 8 jeer. Wuxuu dhaliyay 6 gool, wuxuuna caawiye ka noqday 6 kale intii uu ciyaaray horyaalka.