Arsenal Oo Shaacisay Xilliga Lagu Dhawaaqayo Saxiixa Zubimendi

Xiddiga reer Spain Martin Zubimendi ayaa dhammeystiray dhammaan waxyaabihii lagama maarmaanka u ahaa inuu ugu biiro Arsenal, laakiin sida laga soo xigtay wargeyska Mirror, wakhtiga rasmiga ah ee heshiiska lama shaacin doono ilaa bisha July.

Zubimendi, oo ka soo dhaqaaqay Real Sociedad, ayaa Jimcihii yimid London isaga oo uu la socday wakiilkiisa si loo dhammeystiro wareejinta. Waxa uu kulamo la qaatay madaxda Arsenal, iyadoo lagu wado inuu noqdo saxiixii ugu weynaa ee kooxda xagaagan.

Sida uu sheegayo Fabrizio Romano, heshiiska oo qiimihiisu yahay €64 ilaa €65 milyan ayaa la dhammeeyay, dhammaan waraaqaha waa la saxiixay, waxaana lacagta loo bixin doonaa qeyb qeyb.

Sababta dib u dhaca rasmiga ah ayaa ah in Real Sociedad ay codsatay in heshiiska si rasmi ah loo diiwaangeliyo bisha July, si ay u gasho sanad maaliyadeedkooda cusub oo bilaabanaya 1-da July.

Tani waxay la micno tahay in inkasta oo dhammaan heshiiskii la dhameeyay, taageerayaasha Arsenal waxey u baahan doonaan in yar oo dulqaad ah ilaa loo shaaciyo heshiiska si rasmi ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football