Agaasimaha cusub ee Arsenal, Andrea Berta, ayaa si firfircoon uga shaqeynaya suuragalnimada heshiis uu Rodrygo kaga soo af-duubanayo Real Madrid, iyadoo wadahadallo horudhac ah lala yeeshay wakiillada ciyaaryahanka si loo fahmo xaalada iyo fursadaha laga faa’iidaysan karo.
Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Real Madrid diyaar u tahay inay iibiso Rodrygo haddii la keeno dalab gaaraya qiyaastii £70 milyan, inkasta oo kooxda reer Spain ay aaminsan tahay in qiimaha dhabta ah ee weeraryahanka uu ka ag dhow yahay £100 milyan.
Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay diyaar u tahay inay Rodrygo siiso qandaraas mushaar sare leh, kaas oo ka dhigi kara mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan kooxda, iyadoo la filayo in toddobaadkii uu qaato wax ka badan £300,000. Mushaarkan ayaa la mid ah waxa ay heli doonaan xiddigaha sida William Saliba iyo Bukayo Saka haddii ay saxiixaan heshiisyadooda cusub.
Rodrygo, oo 23 jir ah, ayaa weli la tilmaamayaa inuu yahay mid ka mid ah weeraryahanada ugu hibada badan Yurub, iyadoo Arsenal ay u aragto inuu xoojin weyn u noqonayo weerarka kooxda ee sanadka soo socda.
Sorry rodrygo