Arsenal ayaa sii waddo dadaallada lagu doonayo weeraryahanka RB Leipzig ee Benjamin Sesko, iyadoo wararka ugu dambeeya ay tilmaamayaan horumar wanaagsan iyo xaalad “aad u wanaagsan” oo ku hareeraysan wadahadallada labada dhinac, sida uu sheegay suxufiga caanka ah ee Florian Plettenberg.
In kasta oo heshiis rasmi ah aan weli la gaarin, haddana wareeg cusub oo wadahadallo ah ayaa la qorsheeyay, taasoo muujinaysa in labada kooxood ay si joogto ah u wada xiriirayaan.
Tababare Mikel Arteta ayaa si gaar ah u xiiseynaya 22-jirka reer Slovenia, kaasoo si degdeg ah ugu soo baxay mid ka mid ah weeraryahanada mustaqbalka wanaagsan ee Yurub.
Dhanka kale, RB Leipzig ayaa sugeysa dalab rasmi ah oo ka yimaada Arsenal. Qiimaha la dul dhigay Sesko wuxuu u dhexeeyaa €80 milyan ilaa €100 milyan.
Haddii Arsenal ay dhamaystirto heshiiska, Sesko wuxuu noqon karaa weeraryahankii ay kooxda muddo raadineysay si uu u xoojiyo safka weerarka ee xilli ciyaareedka cusub.