Arsenal Oo Markii Ugu Horreysay Si Arxan Darra Ah Uga Hadashay Kufsigii Lagu Soo Oogay Thomas Partey

Arsenal ayaa si rasmi ah uga hadashay dacwado culus oo loo heysto Thomas Partey, kaasoo hadda wajahaya shaqaaqo sharciyeed oo ah eedeymo kufsi iyo tacaddi galmo.

Afhayeen u hadlay Arsenal ayaa yiri:

“Qandaraaska ciyaaryahanka wuxuu dhamaaday 30-kii June. Maadaama ay jiraan dacwado sharci oo wali socda, naadigu kama hadli karo arrintaas.”

Waxaa xusid mudan in Thomas Partey markii ugu horreysay la xiray bishii Luulyo 2022, balse magaciisa aan la shaacin xiligaas si loo ilaaliyo xuquuqdiisa madaniga ah ilaa eedeymo rasmi ah laga soo gudbiyo.

Intii ay socotay baaritaanka, Partey waxa uu sii matalayay Arsenal isagoo weliba lagu soo waramay in uu dhowr jeer u dhawaa in uu saxiixo heshiis cusub. Hase yeeshee, ugu dambeyn waxa uu kooxda uga tagay si xor ah markii qandaraaskiisu dhamaaday.

Kiiskan ayaa haatan galaya marxalad culus oo dhanka sharciga ah, iyadoo Partey wajihi doono maxkamadeynta dacwadda la xiriirta tacaddiga galmada ee lagu soo oogay.

 

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football