Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa si weyn u raadinaya weeraryahano cusub ka hor xilli ciyaareedka cusub. Waxaa jiray baacsiga Benjamin Sesko oo ka tirsan RB Leipzig, balse kooxda ayaa ku guuldareysatay inay ka dhaadhiciso heshiis ka hooseeya qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa (€80m/£68.5m/$93m).
Dhinaca kale, Chelsea ayaa Arsenal u sheegtay in kaliya ay miiska la iman karaan £50 milyan ($68m) haddii ay doonayaan Madueke – laakiin Gunners ma doonayaan inay bixiyaan lacagtaas oo dhammeystiran.
Arsenal sidoo kale waxay wadahadallo la leedahay kooxda reer Portugal ee Sporting CP si ay u helaan weeraryahanka Viktor Gyokeres.
Madueke oo 22 jir ah ayaa Chelsea kusoo biiray 2023, wuxuuna qandaraas kula jiraa kooxda ilaa 2030. Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, wuxuu saftay 32 kulan oo Premier League ah, isagoo dhaliyay 7 gool islamarkaana caawiye ka noqday 4 kale.
Chelsea ayaa la rumeysan yahay inay xiiseyneyso xiddiga Borussia Dortmund, Jamie Gittens – arrintaasoo keeni karta in Madueke uu qeyb ka noqdo ciyaartoyda ka tagaya Stamford Bridge xagaagan.