Arsenal Oo Ka War Bixisay Xaalada Lix Ciyaartoy Oo Kooxdeeda Dhaawac Kaga Maqan Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ka Hor Kulanka Wolves.

Kooxda Arsenal ayaa warbixin rasmi ah ka soo saartay lix ciyaartoy oo kooxdeeda dhaawacyo kala duwan kaga maqna ka hor kulanka Wolves ee Premier league wuxuuna Unai Emery rajaynayaa in qaar ka mid ah xidigaha dhaawaca ku mani ay soo laaban karaan.

Arsenal ayaa ka war bixisay xaaladii ugu danbaysay ee Danny Welbeck kaas oo uu dhaawac halis ahi soo gaadhay kulankii Sporting Lisbon ee Europa League waxaana xidiga reer England looga cabsi qabaa in uu seego inta xili ciyaareedkan ka hadhsan.

Arsenal ayaa sidoo kale ka war bixisay xaalada dhaawicii Stephan Lichtsteiner looga saaray kulankii Sporting si la mid ah Nacho Monreal, Koscielny, Mohamed Elneny iyo Danos Mavropanos oo dhamaantood dhaawacyo kala duwan ku maqan.

Qoraal rasmi ah oo lagu daabacay shabakada rasmiga ah ee kooxda Arsenal ayaa lagu shaaciyay xaaladii ugu danbaysay ee xidigahan kuwaas oo aanu halkan idiinku soo gudbinayno.

Qoraalka rasmiga ah ee Arsenal ayaa lagu yidhi:

Danny Welbeck: Dhaawac wayn oo ka soo gaadhay Canqowga midig, waxa uu baaqi ku sii ahaan doonaa cisbitaalka iyada oo la qiimayn doono. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga soo saaridoonaa 72 ka saacadood ee soo socda.

Stephan Lichtsteiner: Dhaawac muruga midig ah-waxaa la qiimay doonaa ka hor kulanka Wolves ee axada November 11.

Nacho Monreal: Dhaawac muruqa midig ah-waxaa la qiimay doonaa ka hor kulanka Wolves ee axada November 11.

Mo Elneny: Dhaawac bawdada midig ah- Waxaa la filayaa in hal usbuuc kadib uu tababarka buuxa ku soo laaban doono.

Laurent Koscielny: Dhaawac muruqa ah: Waxa uu dhawaanahan dib ula qabsanayaa tababarka

Danos Mavropanos: Dhaawac gumaarka ah- waxaa la filayaa in November uu tababarka ku soo laabto.

Laakiin xaalada ugu walwalka badan ayaa ah xaalada musiibadii dhawaac ee ku habsatay Danny Welbeck waxaana la filayaa in uu seegi karo inta xili ciyaareedkan ka hadhsan isaga oo waliba ku sii jira cisbitaalkii loola cararay markii uu dhaawaca argagaxa lahaa uu soo gaadhay.