Arsenal Oo Isaga Baxday Loollankii Rodrygo; Waxey Doonayaan Iney Beddelkiisa Soo Qaataan…………

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay diyaar u tahay inay ku loolanto saxiixa xiddiga Crystal Palace, Eberechi Eze, iyagoo u arka bedel jaban oo ka fiican saxiixa weeraryahanka Rodrygo ee Real Madrid.

Sida ay baahisay talkSPORT, Arsenal ayaa si gaar ah u xiiseyneysa Eze maadaama qandaraaskiisa lagu burburin karo £68 milyan, taasoo ka dhigeysa mid suurtagal ah in la helo marka la barbardhigo qiimaha xiddigo kale oo ay Arsenal dooneyso.

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa horey loogu sheegay inay hogaanka u heyso tartanka loogu jiro laacibka xulka England, balse hadda waxaa muuqata in dagaal u dhaxeeya labada koox ee waqooyiga London uu qarxay si loo helo saxiixiisa.

Eze, oo horumar weyn sameeyay intii uu joogay Crystal Palace (shan xilli ciyaareed), ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu halista badan England. Wuxuu dhaliyay goolkii guusha ee Final-kii FA Cup ee ay Palace ka adkaatay Manchester City bishii May, isagoo guud ahaan kooxda u dhaliyay 40 gool.

Haddii Arsenal ay la wareegto, waxay heli doontaa ciyaaryahan hal-abuur leh oo weerarka ka caawin kara, xilli ay kooxdu si weyn ugu baahantahay xoojin dhanka weerarka ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football