Arsenal Oo Guul Ar U Rafaaday Ka Gaadhay Kooxda Huddersfield Oo Iska Caabin Weyn Muujisay & Lucas Torreira Oo Markale Gool Dahabi Ah Dhibcaha Ugu Keenay Kooxdiisa.

Arsenal ayaa guul dirqi ah oo ay ku rafaaday ka gaadhay dhigeeda Hudderfield, Kulankan ayaa ahaa mid ka qabsoomay gegida Emirates Stadium oo ay labada dhinac muujiyeen ciyaar aad u adag oo si xoogan loogu dagaalamayay kubadda.

Xiddiga kulankan meel uga soo baxay kooxda Unai Emery ayaa ah Lucas Torreira oo kulamadii ugu dambeeyay wacdaro dhigaya waxaana uu dhammaadkii kulanka saddexda dhibcood jeebka ugu shubay kooxdiisa.

Shaxihii Labada Kooxood Ee Kulanka

Arsenal: Leno, Bellerin, Lichtsteiner, Mustafi, Sokratis, Kolasinac, Guendouzi, Torreira, Xhaka, Aubameyang, Lacazette

Huddersfield: Lossl, Smith, Kongolo, Zanka, Schindler, Lowe, Williams, Hogg, Mooy, Pritchard, Depoitre

Falanqaynta Guud Ee Kulankan:

Arsenal ayaa kulanka ku bilaabatay qaab dar dar leh isla markaana si deg deg ah u muujisay sababta ay ugu hor ciyaarayso jamaahiirteeda waxaana ay la wareegtay maamulka kulanka

Aubameyang ayaa helay fursadii ugu horreysay ee ugu wanaagsanayd kulanka, Daqiiqadii 28-aad ee kulankan ayuu weeraryahanka ree Gabon darbad xoogan tuursay balse bar-tilmaameed ma noqon.

Markale Gunners ayaa ku dhawaatay inay furto bandhiga goolasha ee kulanka balse isku day uu sameeyay Alexander Lacazette ayaan noqon mid najaxay oo abaaray goolhaye Lossl.

Alex Pritchard ayaa qarka u fuulay inuu hoggaanka si lama filaan ah ugu dhiibo kooxdiisa Huddersfield balse kubad si fudud uu ku dhalin karayay ayuu hawada sarre u diray

FURSAD CAJIIB AH: Khadka dhexe ee Arsenal ee Lucas Torreira ayaa ku sigtay inuu hoggaanka u dhiibo kooxdiisa kahor dhammaadka qabta sarre balse kubad gantaal ah oo uu ku beegay figta sare ayuu si cajiib ah u celiyay Lossl oo wacdaro dhigayay.

Qaybta horre ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah, Waxa xusid mudan in 45-kaas daqiiqo ay ahaayeen kuwo aad u xoogan isla markaana ay adagtahay in wax goolal ah la iska dhaliyo.

Henrikh Mkhitaryan oo qaybtii dambe bedel ku yimid isla markaana ciyaarta ka bedelay Lacazette ayaa daqiiqadii 46-aad ee kulankan kubad xoogan darbeeyay laakiin ma aysan noqon mid midho dhal ah.

Intaa kaddib ciyaarta ayaa aad u adkaatay, Labada dhinac ayay midkasta feejignaan badan ku jirtay waxaana yaraaday fursada ay kooxahani isku helayeen.

GOOAL: Goolkii Ay Arsenal mudada dheer baadigoobka ugu jirtay ayaa ugu dambayn yimid, Xiddiga dhawaanahan wacdaraha dhigaya ee Lucas Torreira ayaana daqiiqadii 83-aad gool cajiib ah ku dilay kooxda inta badan dagaalantay ee Hudderfield