Arsenal Oo Go’aan Kama Dambeys Ah Kasoo Saartay Mustaqbalka Partey

Xiddiga khadka dhexe ee Ghana, Thomas Partey, ayaa si rasmi ah uga tagaya Arsenal kadib markii wada-hadalladii qandaraas kordhinta ay burbureen, sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Qandaraaska Partey wuxuu ku egyahay dhammaadka bishan Juun (2025), mana jiri doono wax cusboonaysiin ah – taas oo ka dhigan in uu si xor ah uga baxayo kooxda.

Sababaha uu uga tagayo Arsenal waxaa kamid ah:

Dalab uu Partey doonayay oo mushaar kordhin ah, taasoo ay Arsenal ka caga jiiday maadaama:

Da’diisa (32 jir) ay tahay

Taariikhdiisa dhaawacyada – Wuxuu seegay 81 kulan tan iyo markii uu ku biiray kooxda sanadkii 2020.

 

Inkastoo uu xilli ciyaareed wanaagsan qaatay (52 kulan, 4 gool iyo 3 caawin), Arsenal waxay go’aansatay in aysan halis gelin miisaaniyadda kooxda.

Bedelkiisa Arsenal waxay u jeesatay:

Christian Nørgaard – Ciyaaryahan khibrad leh oo 31 jir ah kana tirsan Brentford, loogana dan leeyahay in uu buuxiyo booska Partey.

Partey wuxuu hadda xor u yahay inuu la saxiixdo koox kasta, iyadoo ay jirto xiiso uga imaanaya horyaalka Serie A iyo kooxo Carbeed.

Waxaa la filayaa in Arsenal ay sii wado dib-u-habeynta khadka dhexe xagaagan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football