Arsenal Oo Go’aan Ka Gaartay Dalabkii Sesko, Iyadoo Wadahadallada Gyokeres Dar-dar Gelisay

Kooxda Arsenal ayaa dib u dhigtay dalab rasmi ah oo ay ka gudbin lahayd weeraryahanka Benjamin Sesko ee RB Leipzig, sida laga soo xigtay warbixinno dhowr ah oo kasoo baxay saxaafadda Ingiriiska iyo Jarmalka.

Waxaa la sheegay in Gunners aysan diyaar u ahayn inay bixiso qiimaha u dhaxeeya €80 illaa €100 milyan oo ay Leipzig ku dooneyso 21-jirkan reer Slovenia.

Inkastoo xiriir toos ah uu ka socdo kooxda iyo wakiilada ciyaaryahanka, haddana wax dalab rasmi ah weli lagama gudbin, halka shuruudaha shaqsiga ahna aysan wali si buuxda isugu afgaran labada dhinac.

Dhinaca kale, Arsenal ayaa si dhow ula socota xaaladda weeraryahanka Sporting Lisbon, Viktor Gyökeres, iyadoo la fahamsan yahay inuu diyaar u yahay inuu ku qasbo bixitaan si uu ugu wareego Emirates Stadium — qiimaha la isla oggolaadayna uu gaarayo €60 illaa €70 milyan.

Agaasimaha ciyaaraha Arsenal, Andrea Berta, ayaa ku hawlan dhamaystirka mid ka mid ah labada heshiis iyadoo tababare Mikel Arteta uu doonayo weeraryahan awood leh si uu u xoojiyo weerarka kooxda kahor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Inkasta oo Manchester United sidoo kale ay xiiseynayso Gyökeres, Arsenal ayaa weli tartanka ayey ku jirtaa, iyadoo ka niyad-jabsan xilli ciyaareedkii saddexaad oo xiriir ah oo ay ku dhameysatay kaalinta labaad ee Premier League — waxaana weli ay sugayaan koobka horyaalka ee muddada 21 sano ah aysan qaadin.

Haddii qiimaha Sesko uu sii ahaado mid aad u sarreeya, Arsenal waxay u muuqataa inay doorbidi doonto in xooggeeda saarto heshiiska Gyökeres.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football