Arsenal Oo Fowdo Ka Billowday Suuqa! Gyokeres Ayay Rabaan, Osimhenna Wey Isaga Baxeen!

Kooxda Arsenal ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay weeraryahanka Sporting CP ee Viktor Gyokeres, taasoo si rasmi ah u soo afjartay wararkii la xiriirinayay Victor Osimhen.

Sida ay qortay A Bola, kooxda Gunners ayaa go’aansatay inay mudnaanta siiso Gyokeres halkii ay ka raadin lahaayeen weeraryahanka Napoli ee Osimhen inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arsenal ayaa u bandhigtay Sporting lacag dhan €55 milyan iyo €10 milyan oo dheeri ah oo ku xirnaanaya waxqabadka Gyokeres.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay sheegtay in Sporting CP si degdeg ah u diiday dalabkaas, maadaama uu ka hooseeyo qiimaha uu madaxweynaha kooxda, Frederico Varandas, ku qiimeeyay xiddiga reer Sweden.

Inkasta oo la diiday dalabka, Arsenal waxay si cad u muujisay xiisahooda ah inay xoojiyaan weerarka xagaagan, taasoo meesha ka saartay suurtogalnimadii ay kula wareegi lahaayeen Osimhen.

Osimhen ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay Galatasaray, isagoo dhaliyay 37 gool tartamada oo dhan, taasoo keentay in kooxo badan oo reer Yurub ah ay xiiseeyaan, balse hadda Arsenal uma muuqato mid sii wadata qorshihii ku wajahnaa saxiixiisa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football