Kooxda Arsenal ayaa dhammaystirtay saxiixa Martin Zubimendi oo ka imaanaya Real Sociedad, waxaana arrinta si rasmi ah u xaqiijiyay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano oo bartiisa X ku qoray “Here we go.”
Gunners-ka ayaa oggolaatay inay bixiso in ka badan €60 milyan oo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaska xiddigan, balse halkii ay hal mar ku bixin lahaayeen lacagtaas, waxay doorteen inay u bixiyaan qayb qayb. Tallaabadan ayaa u oggolaanaysa kooxdu inay hesho dabacsanaan dhaqaale.
Romano ayaa yiri:
“Lacagta ayaa wax yar ka badan qodobbada lagu burburin karo qandaraaskiisa, balse labada kooxood waxay wadaagaan xiriir wanaagsan, taasoo suurtagelisay in lacagta lo9 bixiyo qayb-qayb.”
Martin Zubimendi, oo ah xiddig khadka dhexe oo halis ah, ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro qorshaha tababare Mikel Arteta xilli ciyaareedka 2025/26.