Arsenal Oo Dalab Waalli Ah Ka Gudbisay Viktor Gyokeres

Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u gudbisay dalab gaaraya €70 milyan oo lagu doonayo weeraryahanka Sporting CP, Viktor Gyokeres, sida ay sheegtay warbaahinta reer Portugal Correio da Manha.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Arsenal ayaa toddobaadkii hore u safray magaalada Lisbon halkaas oo ay ku daawadeen guushii Arsenal Women ee finalka Champions League, kadibna la kulmeen wakiilka Gyokeres, Hasan Cetinkaya.

Dalabka Arsenal wuxuu ka kooban yahay €70 milyan iyo lacag kale oo dheeri ah oo ku xiran waxqabadka ciyaaryahanka. Haddii heshiisku dhaco, Gyokeres wuxuu heli doonaa €12 milyan oo saxiix ah iyo mushaar sanadle ah oo gaaraya €7 milyan.

Haatan, dalabka Arsenal waxaa jawaabtiisa laga sugayaa madaxweynaha Sporting CP, Frederico Varandas, iyadoo la sugayo go’aanka kooxda reer Portugal.

Gyokeres ayaa xilli ciyaareedkan si weyn u soo jiitay indhaha kooxaha waa weyn, waxaana muuqata in Arsenal ay doonayso in uu noqdo weeraryahankooda cusub ee hogaaminaya safka koowaad ee kooxda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football