Arsenal Oo Dagaal Ugu Jirta Saxiixa Šeško;Leipzig Oo Dalbatay Lacag Waalli Ah

Dadaalka Arsenal ee ay ku doonayso weeraryahanka Benjamin Sesko ayaa noqday loollan adag oo u dhexeeya kooxda Gunners iyo RB Leipzig, iyadoo labada dhinac ay ku kala aragti duwan yihiin qiimaha kala iibsiga.

Sesko ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee tababare Mikel Arteta xagaagan, iyadoo Arsenal ay diiradda saarayso xoojinta weerarka. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ay daabacday The Independent ayaa sheegtay in labada kooxood ay weli isku hayaan farqi dhan €10 milyan.

RB Leipzig waxay ku adkaysanaysaa in la bixiyo lacagta lagu burburin karo heshiiska oo ku dhow €80 milyan, halka Arsenal ay doonayso inay bixiso qiyaastii €70 milyan oo ah lacag aan halmar lawada bixineyn. Ilaa hadda Leipzig ma aqbalin in la dhimo dalabkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal waxay ogtahay in Leipzig ay wajahayaan cadaadis ku saabsan iibka, maadaama aysan u soo bixin Champions League xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football