Arsenal Oo Bedelka Aaron Ramsey Ka Heshay Man United, Weliba Si Lacag La’aan Ah Ayuu Ugu Imaanayaa Xagaaga

Arsenal ayaa lagu waramayaa inay u dhaqaaqi doonta soo xerogelinta xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Juan Mata xagaaga.

Mata ayaa qandaraaskiisa Old Trafford waxa uu dhacayaa xagaaga, sidaasi darteedna waxaa lagu heli karaa si lacag la’aan ah.

Xiddiga reer Spain oo United kaga soo biiray Chelsea sannadii 2014 ayaa ku rafaaday inuu boos joogta ah ka helo tababare Jose Mourinho inkastoo uu kooxda wax muhim ah ku soo kordhinayo.

Waxa uu dhaliyay goolkii barbaraha ee kulankii ay Man United ka badisay Juventus habeenkii Arbacada.

Si kastaba, wariyaha idaacada talkSPORT Adrian Durham ayaa sheegay in Mata uu macsalaameyn doono Man United islamarkaana uu ku biiri doono Arsenal xagaaga.

Waxaana ay arintaan imaaneysaa xilli Gunners ay iyagana macsalaameynayaan Aaron Ramsey kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mata ayaa ka soo hoos ciyaaray macalinka Arsemal Unai Emery waqtigoodii Valencia ka ho inta uusan u soo wareegin Premier League.

Wariyaha talkSPORT ayaa yiri: “Daqiiqado ka hor waxaa helay fariin ah in Juan Mata uu si lacag la’aan ah ugu biirayo Arsenal.

“Waxa uu ku sii jeedaa Arsenal weliba si bilaash ah! Waxa uu Emery kula joogay si lacag la’aan ah miyaysan aheyn, sidaasi darteed si bilaash ah ayuu ugu biriayaa Arsenal madaama qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga.

“Warkaan waa mid degdeg ah, Juan Mata waxa uu u socdaa Arsenal” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waa war aan maqlay, ma ahan mid rasmi ah. Ilo ku dhow kooxda ayaa ii sheegay inuu si bilaash ah ugu biirayo Arsenal.

“Marka uu heshiiskaan dhaco, waad i soo wici kartaan, adinkoo dhahaya ‘waan ku aamini weynay, laakiin sida aan kaaga baranay runtaada ayay aheyd.”