Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa si furan uga hadlay bixitaanka Trent Alexander-Arnold kaddib markii kooxda ay ku guuleysatay horyaalka Premier League garoonka Anfield.
Slot wuxuu yiri:
“Wuxuu u qalmaa xushmad. Aad ayaan ugu faraxsanahay isaga, iyo dhammaan dadka ku hareeraysan kooxda, in wax walba u dhaceen si wanaagsan sida la qorsheeyay.
Wuxuu muujiyay sida ay ugu adkeyd ciyaarta kadib inuu la hadlo taageerayaasha, taasina waxay kuu sheegaysaa sida ay u adag tahay in laga tago koox sida tan oo kale ah.
Taasi waa waxa keliya aan sameyn karno — in aan ciyaartoyda ka dhigno in ay adkaato inay naga tagaan.
Ciyaartoy badan way joogaan, balse hadda Trent wuu go’aansaday inuu baxo, taasoo ah nasiib darro. Laakiin aad ayey u qurux badneyd sagootintiisa.”
Arne Slot ayaa muujiyay in Trent uu yahay ciyaaryahan gaar ah, islamarkaana uu ku reebay raad qoto dheer kooxda iyo taageerayaasheeda.