Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa si kaftan leh uga falceliyay hadalkii agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona, Deco, oo sheegay in kooxda reer Spain ay xiiseynayso garabka Reds, Luis Diaz.
Intii uu socday shirkiisa jaraa’id, Slot ayaa la weydiiyay aragtidiisa ku aaddan hadalka Deco, wuxuuna la yaabay sida arrinta loohu buunbuuniyay si fagaare ah.
“Deco miyaa si toos ah ugu yiri arrintan mikrafoonka hortiisa?” ayuu Slot dib u weydiiyay weriyaha.
“Waa hagaag, koox kastaa waxay leedahay hab u gaar ah. Anigu kama hadlo ciyaartoy aanan lasoo saxiixan. Waan fahamsanahay in Deco aad u jecel yahay Luis Diaz – aniguna sidoo kale!”
Slot ayaa hadalkiisa kusoo xiray qosol iyo kaftan, isagoo yiri: “Deco wuxuu jecel yahay ciyaartoy badan – aniguna sidoo kale. Waan jeclahay Lamine Yamal!”
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay wararku sheegayaan in Barcelona ay diyaar u tahay inay la soo wareegto Diaz xagaagan. Dhanka kale, Slot ayaa si xigmad leh uga jawaabay isagoo muujiyay ixtiraam, balse aan si cad uga hadlin suuragalnimada bixitaanka xiddiga reer Colombia.