Anigaa Ku Jecel, Kuna Faraxsan Goolashaada – Farriintii Kalgacaylka Ee Qalbiga Loogu Dejiyey Isco

Toddobaadyadii ugu dambeeyey wuxuu ku jiray xaalad adag oo iskugu jirtay kuwa la xidhiidha caafimaadkiisa iyo go’aan tababare oo lagaga tuuray safka koowaad ee Real Madrid, hase yeeshee fursaddii koowaad ee uu ka helay tababare Santiago Solari ayaa uu ku kasbaday jacaylka gacalisadiisa oo baraha bulshada ku soo bandhigtay farxaddeeda iyo jacaylkeeda.

Isco ayaa waxa laga qalay qabsin markii uu kasoo laabtayna waxa uu la kowsaday tababaraha cusub ee Santiago Solari oo waqtigaas ku-meelgaadh ahaa, fursado kooban oo uu siiyeyna waxa uu macallinka reer Argentine isku qanciyey in aanu Isco ku habboonayn shaxdiisa.

Kulankii Roma ee tartanka Champions League ayuu gebi ahaanba magaca Isco ka tirtiray liiska kooxda Real Madrid ee guusha kala soo laabtay garoonka Olimpico, kulamadii xigayna waxa uu ku qudhmiyey kaydka.

Isco oo xaaladdaas adag ku jira ayaa lagu soo bilaabay ciyaartii Copa del Rey ee Khamiistii ay Real Madrid ku martigelisay naadiga yar ee Melilla, waxaana uu sameeyey bandhig cajiib ah oo uu laba gool ku dhaliyey kuwo kalena saamayn weyn ku lahaa ciyaartaas oo ku dhamaatay 6-1.

Markii ay ciyaartu dhamaatay waxa baraha bulshada degdeg iskugu soo tuurtay gacalisada ay isku cindan yihiin ee Sara Salamo oo farriin kooban oo kalgacayl ah soo dhigtay.

“Labaley, aad ayaan kuugu hanweynahay.” Ayey Sara ku tidhi qoraalkeeda ay ku baahisay barta Instagram, waxaanay sii raacisay: “Allah muxuu gool ahaa! Waan ku jecelahay.”