Aniga, Luka Modric, Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi Uma Qalano Ballon d’Or!! – Waa Kuma Xiddiga Uu Eden Hazard U Caleemo Saaray Abaalmarinta Xiddiga Sanadka.

Xiddiga garabka bidix ee kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Belgium ee Eden Hazard ayaa kamid noqday shaqsiyaadka kala dooranaya xiddigaha u qalma abaalmarinta caanka ah ee Ballon d’Or walow isaga qudhiisu kamid yahay 30-ka tartame ee la kala shaandhayn doono.

Tartanka loogu jiro abaalmarinta sanadkan ayaa ah midkii ugu adkaa ee la saadaaliyo tobbankii sano ee ugu dambeeyay iyadoo durtaba ay figta ugu sarreysa hoos uga dhaceen xiddigaha ay abaalmarintani kasoo dhaxaystay 10-kii sano ee ugu dambeeyay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Luka Modric oo ah shaqsiga helaya saadaasha ugu badan ayaa noqon waayay dookha Hazard waxaana uu garabka Blues doortay da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Hazard ayaa ugu horreyna tartamayasha iska reebay waxaana uu tilmaamay in sababta uu u doortay 19 jirka ree Frace ay tahay qaabka cajiibka ah ee uu ku bilawday xilli ciyaareedkan isaga oo hoos u dhigay bandhigyada Modric ee xilli ciyaareedka cusub.

Hazard ayaa yidhi “Inkastoo aan soo qaatay sanad aad u fiican hadana waa inaan cagaha ku hayno dhulka, Anigu uma qalmo Ballon d’Or waxaan filayaa inay jireen ciyaartoy iga fiicnaa”

“Waxaan dooran lahaa Luka Modric laakiin waxa uu u ciyaarayaa si gaabi ah laga soo bilaabo August iyo September, Sidaa darteed haddii aan xisaabta ku darsano bilawga xilli ciyaareedka, Waxaan odhan lahaa Kylian Mbappe”

“Ujeedadaydu aniga maaha inaan haysto Ballon d’Or balse waa inaan kor u qaado bandhigyada garoonka, Haddii aan ku guuleysto (Ballon d’Or) maalin uun, Aad ayay u fiican tahay, Haddii aanan ku guuleysan ma noqon doonto dhibaato”