Andres Iniesta Oo Si Aan Horay Loo Arag Uga Hadlay Hibada Lamine Yamal

Halyeeyga Barcelona iyo xulka Spain, Andrés Iniesta, ayaa si weyn u amaanay xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal, isagoo sheegay in wiilkan uu leeyahay wax gaar ah oo aan si fudud loo arkin.

“Lamine Yamal? Waa hibbo gaar ah, waa ciyaaryahan leh karti cajiib ah. Wuxuu hadda muujinayaa tayadiisa isagoo da’ yar ah,” ayuu Iniesta u sheegay Sky Sports.

“Laga bilaabo hadda, waa inuu raacaa dhabbo u gaar ah, safarkiisa shaqsiga ah. Sanado yar kadib ayaa la ogaan doonaa waxa uu ku guuleystay.”

“Waan rajaynayaa inuu sii tiigsado waddada uu hadda ku socdo, isagoo joogteyn iyo dadaal muujinaya — sida ay dad badani rajeynayaan.”

“Waxaan ka hadleynaa wiil leh wax gaar ah oo aan badanaa lagu arkin ciyaartoyda,” ayuu mar kale xusay Iniesta.

Inkastoo uu yahay ciyaaryahanka ugu da’da yar ee kooxda koowaad ee Barcelona, Lamine ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan.

Waxaa cabsi leh in la qiyaaso heerka uu gaari karo marka uu gaaro da’da 20-aad, haddii uu sii wado qaab-ciyaareedkan sare.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football